Skip to main content

Dareen arradan (Qeeybta koobaad {1aad})

 Qeeybta koobaad (1aad)

Waa subax hore waxuu dultaaganyahay miis eey buugaag badan oogadiisa qariyeen waxeey ubadanyihiin  cilmiga maadiga iyo Diiniga, 95% waa kuwa maadiga ah.  

Qeeyb yar kamida miiska waxaa saran buugaag kakooban sheeko faneed, taariikh iyo labo(2) buug dheeri gelin ah, dhamaantood wuu akhriyay marka laga reebo kuwa dhiiragelinta ah sababtuna waa inuusan sidaa udaneeyn.

Daakhada ayuu eegay waxaa soo gelaya ileeyska qoraxda waxyar kadibna falaareheeda ayaaba soo gaaray , daaqada ayuu inyar laabay  qalbiga ayuu iska yiri armada inyar hurdada kunoqotaa se’ macquul ma’ahan waxaa lajoogaa waqtiga uu jaamacadda aadi lahaa, halkaa ayuu kaga samray hurdadii heeysay una dhaqaaqay dhanka suuliga.

 

Waxyar kadib waa diyaar waxuu iska xirtay dharkii ugu sareeyay boorsadiisa oo sariirtiisa hareer taal ma’ahan nin daneeynaya labis isku toosan ( is match gareeynaya) sida dhalinta isku da’da yihiin eey ubadanyihiin waqtigaan, saacada ayuu eegay waqti badan uma harin, sidhaqsa ayuu udafay buug yar oo ah kan ardaydu kuqortaan sharaxaada dheeriga mclinka (Note book)  albaabka qolka oo ufurnaa ayuu degdeg kaga baxay, albaabka qeeybta uu kadeganyhy dabaq dhowr biyaano ah  intaanu kabixin ayaa dhabarkiisa qof kaga dhawaaqay kuna yiri  

salmaan qureecda waa diyaar miiska ayeey kuusaarantahay haka tegin.

Raali noqo walaasheey jaamacadda kadaahay kama gaaro.

Macquul ma’ahan maalinkasta sidaan kubaxdaa  maad iska deeyn dhaqankaan?

Wuu istaagay dib ayuu soo eegay isaga oo dhoola cadeeynaya si’uu isaga maslaxo wuxuuna kuyri.

Maanta ugu danbeeysa markale sooma noqon doonto.

Ma’iga hubtaa warkaa ?

Haa waan kaa hubaa .

Haye nabad kutag kuna soo noqo.

Haye baayo mahadsanid:

Deg deg ayuu albaabka uga baxay jaranjaro dhowr iyo soddon(30) talaabo ah ayuu kadegay luuq yar laamiga geeynaya tuugada xaafada subaxdii kusoo kalahda dadkana telephonada kadhameeysatay uu kaga xeeladeeysto , maadaaba mootooyinka eey wataan luuqaan mari Karin dhowr meel oo haraadiga dhagaxaanta guryaha lagu dhistay kaga daadsantahay ayaa isaga iyo dadka kale isku xaafadda yihiin wax weeyn u’ah.

Qiyaas ahaan 2 daqiiqo kadib laamiga ayuu istaagay waa laamiga wadnaha qeeybtiisa degmada hodan  saacadda ayuu markale eegay si’uu uhubiyo inta daqiiqo uhartay , inta aanu indhaha kabuuxsan karishboy qeeylinaya haka qaso kubood kubood ayuu si degdeg ah kuyiri  umuu jawaab celin  isagana iskama waalina wuu kasii socday

Markuu indhaha kabuuxsaday saacadda waxaa uhartay 10 daqiiqo qura  gaari BL ah raacbuu islahaa markaan waxuu go’aansaday inuu moota bajaaj qaato dhowr mooto dad saaranyhiin ayaa dhaaftay,

BL badan u’istaaganay waxuu kuyiri masocdo mooto bajaaj qof lasocdo ayaa istaagtay markuu dhankeeda udhaqaaqay waxuu aqoonsaday qofka lasocda, waa mahdi isku class yihiin.

Mahdi:  haye legend saakay waan lawada daahay  waxuu usii raaciyay  xalay dumaashi Shaftesburydhafrisay ayaan filaa?  kaama duceeysanay.

Salmaan: Kkkkk weeyba wacnaan laheeyd xalay sedexsaac waan hurdaayay kawaran  sidaan ayaana udaahay.

Mahdi: iga daa cayaarta neo yaad waxaa usheegeeysaa?

Salmaan: daacadii dumaashi iyo howlahaa maba galo  teeyda ayaaba iheeysata maxaa buuqaa udoonan

Waa  lawada qoslay  bajaalaha ayaa soo galay  waxuuna yiri

Yaa kaa yeelaa muga nin dhalinyaraa waqtigaa joogaa aa shukaansi  dhan iska daayay wax kale manoo sheegtidoo, kkkk

Salmaan: sowtaan kusheegayo  hadii aanad horay u’arag qofkii koobaad waa kan.

Bajaajlaha:  walax dhelehba ha’ahaatee iskuma daydid miyaa aryaa ? kkk

Salamaan: maya kuma qaldamo howlahaa .

Bajaajlaha: yaa saaxiibkaa uma sheegtidaa waxbadanaa dhaafaahe

Mahdi: saaxiibkeey  saakay jawiga kaqasan kadaa sow arki meeysid sida hadaladiisa uqalafsanyihiin.

Bajaajlaha: kkk yaa waa dareeemoowhaayaa ninka xaalkiisa ash maaha

Salmaan:  waan idinka fiicanahay ee waqti lumiskaa iska daaya.  ayuu sikulul uyiri

waa lajoojiyay bajaajta jaamacadda ayaa layimi mahdina lacagta ayuu bajajlihi udiray  war ma iga heeysaa iyo haa ayaa lagu kala tegay 

salmaan iyo mahdi degdeg ayeey jaamacada ku galeen 4 daqiiqo ayeey dib dhaceen.

 

Mahdi : ayaa salmaan kuiri  oday Raage  makula tahay manta inuu xiisada noo ogolaan doono sxb?

Salmaan: nasiibkeena  ayaan tijaabineeynaa.

Mahdi: bal sxb iga hormar adaa soo daahi jirine  anigu dhowr mar ayaan kasoo daahay xiisadiisa wejigeeyga wuuba bartay markaan.

Salaam: hhhh waa midkamida faa’iidoyinka aad kaheshay haasaawaha khiyaaliga ah habeenka kasta kudhafarto

Mahdi: kkk doodaa markale noo dhig sxb.

Salamaan: haye waan ogalahay 

Dhoowr fasal ayeey lasoo wareegeen fasalka markii loosoo dhowaaday indhahooda ayaa qabtay dhoowr arday hortuban fasalka se’ xiisadu weli meey bilaaban.

    

          W/Q sandheere

 

Comments

Post a Comment

Popular posts from this blog

Dareen araddan ( qeeybta labaad 2aad)

 Q eeybta labaad 2aad Salmaan iyo mahdi   waxeey durba weey soo istaageen mahdi ayaa salaamay samiira oo dhinaciisa soo xigta Mahdi: haye samiira   maanta   banaanka hala indha cadeeyo miyaa layiri? Samiira: haa , inkastoo in lana fasaxo raja kalahaa intaanad adigu imaan. Qosol aan kor looqaadin ayaa lawada qoslay salmaan isagu ma qoslin Mahdi: kkk samira maxaa aniga gaar igadhigay? Hadda ayuuba macalinku xiisadda noo fasaxaa waxyar sug adigu. Samiira: kkk waa kaftamoosaahe iska daa in naloo fasaxee yaan jaamcadda nagala saarin aamus bal. Mahdi: kkk manta waad ugu socotaahe atariisho gab iga dheh noh , mase xarash aan ogeeyn ii heeysaa? Daacad ayaa kasoo dhexgalay intaaneey samiira ujaabin waxuuna yiri   Mahdi adi caantahay ma ogidoo markasta waa soo daahdaa macalinka waa kuudhaarsanyahay. Mahdi: haye daacad adina samiira kufeker tahay yaah , hadii eey sidaa tahay adi maxaa kusoo daahiyay ? Daacad: maxaa, ani runta kuusheegay maa diidoowheeys...