Qeeybta koobaad (1aad)
Waa subax
hore waxuu dultaaganyahay miis eey buugaag badan oogadiisa qariyeen waxeey
ubadanyihiin cilmiga maadiga iyo Diiniga,
95% waa kuwa maadiga ah.
Qeeyb yar
kamida miiska waxaa saran buugaag kakooban sheeko faneed, taariikh iyo labo(2) buug
dheeri gelin ah, dhamaantood wuu akhriyay marka laga reebo kuwa dhiiragelinta ah
sababtuna waa inuusan sidaa udaneeyn.
Daakhada ayuu
eegay waxaa soo gelaya ileeyska qoraxda waxyar kadibna falaareheeda ayaaba soo
gaaray , daaqada ayuu inyar laabay qalbiga ayuu iska yiri armada inyar hurdada
kunoqotaa se’ macquul ma’ahan waxaa lajoogaa waqtiga uu jaamacadda aadi lahaa,
halkaa ayuu kaga samray hurdadii heeysay una dhaqaaqay dhanka suuliga.
Waxyar kadib
waa diyaar waxuu iska xirtay dharkii ugu sareeyay boorsadiisa oo sariirtiisa
hareer taal ma’ahan nin daneeynaya labis isku toosan ( is match gareeynaya)
sida dhalinta isku da’da yihiin eey ubadanyihiin waqtigaan, saacada ayuu eegay
waqti badan uma harin, sidhaqsa ayuu udafay buug yar oo ah kan ardaydu kuqortaan
sharaxaada dheeriga mclinka (Note book) albaabka
qolka oo ufurnaa ayuu degdeg kaga baxay, albaabka qeeybta uu kadeganyhy dabaq
dhowr biyaano ah intaanu kabixin ayaa
dhabarkiisa qof kaga dhawaaqay kuna yiri
salmaan qureecda waa diyaar miiska
ayeey kuusaarantahay haka tegin.
Raali noqo walaasheey jaamacadda
kadaahay kama gaaro.
Macquul ma’ahan maalinkasta sidaan
kubaxdaa maad iska deeyn dhaqankaan?
Wuu istaagay
dib ayuu soo eegay isaga oo dhoola cadeeynaya si’uu isaga maslaxo wuxuuna
kuyri.
Maanta ugu danbeeysa markale sooma
noqon doonto.
Ma’iga hubtaa warkaa ?
Haa waan kaa hubaa .
Haye nabad kutag kuna soo noqo.
Haye baayo mahadsanid:
Deg deg ayuu
albaabka uga baxay jaranjaro dhowr iyo soddon(30) talaabo ah ayuu kadegay luuq
yar laamiga geeynaya tuugada xaafada subaxdii kusoo kalahda dadkana telephonada
kadhameeysatay uu kaga xeeladeeysto , maadaaba mootooyinka eey wataan luuqaan
mari Karin dhowr meel oo haraadiga dhagaxaanta guryaha lagu dhistay kaga
daadsantahay ayaa isaga iyo dadka kale isku xaafadda yihiin wax weeyn u’ah.
Qiyaas ahaan
2 daqiiqo kadib laamiga ayuu istaagay waa laamiga wadnaha qeeybtiisa degmada
hodan saacadda ayuu markale eegay si’uu
uhubiyo inta daqiiqo uhartay , inta aanu indhaha kabuuxsan karishboy qeeylinaya
haka qaso kubood kubood ayuu si degdeg
ah kuyiri umuu jawaab celin isagana iskama waalina wuu kasii socday
Markuu indhaha
kabuuxsaday saacadda waxaa uhartay 10 daqiiqo qura gaari BL ah raacbuu islahaa markaan waxuu go’aansaday
inuu moota bajaaj qaato dhowr mooto dad saaranyhiin ayaa dhaaftay,
BL badan u’istaaganay
waxuu kuyiri masocdo mooto bajaaj qof lasocdo ayaa istaagtay markuu dhankeeda
udhaqaaqay waxuu aqoonsaday qofka lasocda, waa mahdi isku class yihiin.
Mahdi: haye legend saakay waan lawada daahay waxuu usii raaciyay xalay dumaashi Shaftesburydhafrisay ayaan filaa? kaama duceeysanay.
Salmaan: Kkkkk weeyba wacnaan laheeyd
xalay sedexsaac waan hurdaayay kawaran
sidaan ayaana udaahay.
Mahdi: iga daa cayaarta neo yaad
waxaa usheegeeysaa?
Salmaan: daacadii dumaashi iyo
howlahaa maba galo teeyda ayaaba
iheeysata maxaa buuqaa udoonan
Waa lawada qoslay
bajaalaha ayaa soo galay waxuuna
yiri
Yaa kaa yeelaa muga nin dhalinyaraa
waqtigaa joogaa aa shukaansi dhan iska
daayay wax kale manoo sheegtidoo, kkkk
Salmaan: sowtaan kusheegayo hadii aanad horay u’arag qofkii koobaad waa
kan.
Bajaajlaha: walax dhelehba ha’ahaatee iskuma daydid miyaa
aryaa ? kkk
Salamaan: maya kuma qaldamo howlahaa .
Bajaajlaha: yaa saaxiibkaa uma
sheegtidaa waxbadanaa dhaafaahe
Mahdi: saaxiibkeey saakay jawiga kaqasan kadaa sow arki meeysid
sida hadaladiisa uqalafsanyihiin.
Bajaajlaha: kkk yaa waa
dareeemoowhaayaa ninka xaalkiisa ash maaha
Salmaan: waan idinka fiicanahay ee waqti lumiskaa iska
daaya. ayuu sikulul uyiri
waa
lajoojiyay bajaajta jaamacadda ayaa layimi mahdina lacagta ayuu bajajlihi
udiray war ma iga heeysaa iyo haa ayaa
lagu kala tegay
salmaan iyo
mahdi degdeg ayeey jaamacada ku galeen 4 daqiiqo ayeey dib dhaceen.
Mahdi : ayaa salmaan kuiri oday Raage makula tahay manta inuu xiisada noo ogolaan
doono sxb?
Salmaan: nasiibkeena ayaan tijaabineeynaa.
Mahdi: bal sxb iga hormar adaa soo daahi jirine anigu dhowr mar ayaan kasoo daahay xiisadiisa
wejigeeyga wuuba bartay markaan.
Salaam: hhhh waa midkamida faa’iidoyinka aad
kaheshay haasaawaha khiyaaliga ah habeenka kasta kudhafarto
Mahdi: kkk doodaa markale noo dhig sxb.
Salamaan: haye waan ogalahay
Dhoowr fasal
ayeey lasoo wareegeen fasalka markii loosoo dhowaaday indhahooda ayaa qabtay dhoowr
arday hortuban fasalka se’ xiisadu weli meey bilaaban.
W/Q sandheere
Ar miyay go'oday. Lasoo dhaqso qeybta labbaad.
ReplyDelete