Skip to main content

Dareen araddan ( qeeybta labaad 2aad)

 Qeeybta labaad 2aad


Salmaan iyo mahdi  waxeey durba weey soo istaageen mahdi ayaa salaamay samiira oo dhinaciisa soo xigta

Mahdi: haye samiira  maanta  banaanka hala indha cadeeyo miyaa layiri?

Samiira: haa , inkastoo in lana fasaxo raja kalahaa intaanad adigu imaan.

Qosol aan kor looqaadin ayaa lawada qoslay salmaan isagu ma qoslin

Mahdi: kkk samira maxaa aniga gaar igadhigay? Hadda ayuuba macalinku xiisadda noo fasaxaa waxyar sug adigu.

Samiira: kkk waa kaftamoosaahe iska daa in naloo fasaxee yaan jaamcadda nagala saarin aamus bal.

Mahdi: kkk manta waad ugu socotaahe atariisho gab iga dheh noh , mase xarash aan ogeeyn ii heeysaa?

Daacad ayaa kasoo dhexgalay intaaneey samiira ujaabin waxuuna yiri  Mahdi adi caantahay ma ogidoo markasta waa soo daahdaa macalinka waa kuudhaarsanyahay.

Mahdi: haye daacad adina samiira kufeker tahay yaah , hadii eey sidaa tahay adi maxaa kusoo daahiyay ?

Daacad: maxaa, ani runta kuusheegay maa diidoowheeysaa?

Mahdi: run maba sheegine maxaan kugu diidaa?

Daacad: haye mugoo naga aamus macalinka hadii uu namaqlo wuu xanaagaahe.

Mahdi: haye, waan ogolahay geesiyow.

Samiira: haye geesi kulahaa sidaadoo kale inuu careless noqdo miyaad rabtaa faataalow ?

Mahdi: kkk maanta waaba leey kaa tusay samiira waan qaatay raali ahada soo daahidiina anaa sabab u’ah ok.

Intaa markii leeysdhaafsaday macalin raage oo albaabka taagan ayaa laga war helay lawada aamus   haye xarfaanta manta dadbadan oon soo daahi jirin arkaahe waxaan filaa ustaad mahdi ayaa kuxirateen ? 

Looma jawaabin dhowr ilbiriqsi

 salmaan ayaase  ujawaabay maya ustaad  maanta  albaabka kuwada kulanay marka ani leeyga reebo

Macalin raage: adigana isagaa isku team noqoteen miyaa waadba fiicneeyde?

Salmaan: maya ustaad ninkaan waa laacib weeyne maanta jidka uunbaan kukulanay,  manta nafasax ustaad loonoqon maayee, raalina naga noqo.

M. Raage: intiina kale soo gala lkn mahdi banaanka ha’iska joogo maadaaba horay ubalanay.

Lawada eeg dhanka mahdi markale ayaa qofba qofka kale eegay

M. Raage soo gale hee ayuu isna yiri.

Salmaan ayaa kaxishooday inuu sidaa kuxaroodo oo’uu banaanka kaga sootago saaxiibkiisa isla socdeen waxuuna dhaqso ugu hadal celiyay macalin raage

Ustaad manta inaga darteen kusii daa waa naga codsi.

M.Raage: inaga hadhihin dadkii kale waaba xaroodeen, waxeey ila tahay inaad ninkaan kufaraqxiratay.

Salmaan: maya kumaan faraq xiran ustaad.

Ayuu kujawaabay salmaan oo arkay inuu kaligii noqday saaxiibkii inuu kagatago banaankana ka xishoonaya

Macalin raage ayaase kafujiyay waayahay dartaa ayaan manta kudeeynaa ninkaan hala midnoqon, waad fiicantahay adiguye.

Salmaan oon fileeyn jawaabta macalin raage ayaa umahadceliyay fasalka ayeey isaga mahdi horey usii galeen.

Salmaan oo kahoreeyay mahdi ayaa safka 5aad kursi banan kahelay mahdina safka ugu danbeeyo ayuuba ugu jecelyahay oo safkale maba fiiriyo inuu banaanyahy iyo in kale maba eego,  waa lawada fariistay albaabka fasalkana waa lasoo xiray, Kaaba galaaska ayaa microphone tijaabiyay isaga oo neef kuharqinaya ‘fuuf fuuf fuuf’’ sameecado gadaal kuxiran ayaa qeliyay  inuu shaqeeynayo markuu hubiyay ayuu fiilo dheer oo madow kala bixiyay qeeyb yar oo sida biinka oo kale ah ayuu kuleetiga shaatiga weeyninka badan macalin raage ugu xiray.

Macalin raage ayaa laweraagay ‘hala aamuso hala aamuso’ ayuu kucelceliyay dhowr jeer

Lawada aamus cashirkii ayuu bilaabay qeeybta sare sabuurad cad oo weeyn ayuu kuqoray math far yara waaweeyn dhinaca geeska ahna tariikhda ayuu kuqoray salmaan  isaga markii uu macalin raage uu math kuqoray sabuurada  ayaa ugu danbeeysay aduun kale ayuu galay lamana socdo xiisadda, sameecadaha qeeylniyana war uma hayo waa waxaan niyad loo heeyne kursigaa uunbuu fadhiyaa miiska ayuu gacmaha saartay  malaha macalinku nin siwanaagsan ula socda ayuu uheeystaa warse umahayo ,

Sababta aanu ula socon waa in waxuu barto sixaabta  ugu necebyahay hadiise laweeydiin lahaa sababta uu maadadaan unecebyahay jawaab lagu qanco kama bixi karo  waa hadiiba laweeydiin lahaa .

Sharaxaada macalin raage waxeey socotaba salmaane aduun kale dhexjibaaxo ayuu mardanbe kusoo baraarugay arday su’aal laweeydiinayay waa arday iyo caadadiise intii su’aalaha leeys weeydiinayay siwanaagsan ayuu ula socdaa , su’aalihii ayaa dhamaaday.

Macalin raage ayaa sabuuradda kunoqday seeyn tiita waxaa lagu helaa ayuuna kabilaabay sharaxaadiisa hore ayuu sii wataa se’ salmaan ayaa yaaban oo’aan markii hore lasocan nasiib wanaagse xisaabtaan kuma cusba horay ayuu fasalka afaraad ee dusiga sare kusoo qaatay 2daqiiqo waxaan kabadneeyn ayuu lasocday .

Waxuu is weeydiiyay sababta isaga arday medicine ah seeyn tiita iyo koos tiita loobarayo waxeey lanoqotay khiyaal aan caqli gal aheeyn markale ayuuse is yidhi armaad adigu soo qaldoontay oo medicine-ka jaamcaddu bixiso eey kuusheegtay sidaan yahay wuuba sii yaabay markii markale kusoo baraarugay macalinka oo kuleh aad ayeey muhiim idiinkugu tahay xisaabtaan  halagu noqdo yaan halkaan looga tegin, hoos buu uqoslay  inuu jaamacadaan kusoo qaldamay ayuuse niyadda gashtay lkn kasalgaar ayuu isku qanciyay.

Xiisadii weey dhamaatay attendance ayaa laqaaday markii tiradda number ee uujamacadda kaga diwaangashanyahay lasoo gaaray ayuu gacanta taagay xaadir ayuuna sihoose uyri ooka liidata , sikaduwan sida xooga ah eey ugu dhawaaqayaan asxaabta eey isku fasalka yihiin.

Kaaba galaaska oo qaa’ibka qaadayay ayaa kuyiri xiisada kale macalinku wuu cudur daartay fasax ayaan nahay salmaan wuuba kufaraxsanyahay, qaar eey isku safiyhiinse weey kacareeysanyihiin  waa rag daacad ah, oo hamuun qaba. 

Waxuu u arkaa rag waxbarashu dhab katahay sidiisoo kale aan soo qaldoomine kulliyadoodii jooga waxuuse isku qanciyay in medicine uu sanado kuhamin jiray isaga oo iskuul jooga fasalka koobaad ee dugsiga sare aanu kusoo qaldoomin.

Tartiib ayaa laba albaab looga baxay, gaari BL ah ayuu horay kaqabsay xaafadii  dhaqso kuteg  dharkii uuxirnaa ayuu katabaan kudultuuray sibuu hamigiisu hoos ugu dhacay  waxuu u’arkaa in subax kasta uu khiyaali ku kalaho,  nafsadiisana dulminayo , waqti iska qasaarinaayo, hantida waalidkiina dab kushabayo walise kumuu dhiiran inuu go’aan kagaaro waxuu kufariisatay kursiga uu mar mark uu wax aqrinayo  saaxiibka yihiin.

Inuu wax aqriyo waa uu jecelyahay waana waxa kaliya uu dabeecadiisa hore kaheeysto inkasta uusan sidii hore aheeyn miiska dhinaciisa midig ayuu buuga sheeko faneed ah kasoo qaatay dhanka sariirtiisa ayuu la’aaday  waa buuga cawo ee’uu  qoraa suldaan neeyruus kufarayareeystay;

buuga  waxaa kuxardhan bogagiisa qisada nolosha gabadha loogu magac daray ee   ‘’cawo’’ 

cawo waa gabadh habeenka ifka timaado hoyadeed dunida macasalaameeyneeyso  geerida ayaan lahureeyne iyaduba inanteeda cidladaa kagama eey tagteen cawo waxaa lawereegeysa marwada labaad aabaheed  naxariis lama tusin dhalashadeeda illaa eey kagaraadsato se wax uun weey heli jirtay habeenada ugu horeeyay  siimeey socon malaha waxaa uwanaagsaneeyd uurka hooyadeed ineey kusaqiirto.

Waxaa heshay eedo hinaasihii eey hoyadeed uqabtay kajareeysa, aan tixgelineeyn saqiirkaan rabigii ubuuray aanu danbi uqoreeyn.

Salmaan qisadaa ayuu dhexjibaaxay waa qiso kabilaaneeysa magaalada caabudwaaq ku’nagaaneeysa magaalo xabeedka kismaanyo kuna dhamaaneeysa caasimada boqortooyada gaboowday ee London.

Waa qiso qofkii akhriyaa hadaanu ilmeeyn kusiganayo inuu ilmeeyo se’ kuwa qalbiga adagu aaneey sidaa ugu qushuuceeyn.

 silica iyo rafaadka eey cawo mareeyso dhalashadeeda illaa eey kabarbaareeyso ayaa ah xanuun iyo murugo eey ugu wacantahay geerida hooyadeed iyo aabaheed  naxariisdarada kuwa dad ugu xiga eey kula dhaqmayaan illaa eey dalkeeda hooyo isaga hayaanto.

Qisadaan ayaa salmaan halmaansiinaya qanacsanaan la’aantii iyo hiifidda naftiisaa yar

 5 saac(11:00Am) subaxnimo uu bilaabo ayuu ayuu habeenkii 12:40 Am  ee habeenimo kudhameeyay hurdo ayaa qabaneeysa se’ waxuu soo xasuusanyaa inaanu salaadi cishaha aanu dukan dhaqso ayuu udukan kadibna seexanayaa isaga oo eey sugeeyso kalahdaan uu micno darro u’arko berri subax.

   

W/Q   sandheere

 

Comments

Popular posts from this blog

Dareen arradan (Qeeybta koobaad {1aad})

 Qeeybta koobaad (1aad) Waa subax hore waxuu dultaaganyahay miis eey buugaag badan oogadiisa qariyeen waxeey ubadanyihiin   cilmiga maadiga iyo Diiniga, 95% waa kuwa maadiga ah.   Qeeyb yar kamida miiska waxaa saran buugaag kakooban sheeko faneed, taariikh iyo labo(2) buug dheeri gelin ah, dhamaantood wuu akhriyay marka laga reebo kuwa dhiiragelinta ah sababtuna waa inuusan sidaa udaneeyn. Daakhada ayuu eegay waxaa soo gelaya ileeyska qoraxda waxyar kadibna falaareheeda ayaaba soo gaaray , daaqada ayuu inyar laabay   qalbiga ayuu iska yiri armada inyar hurdada kunoqotaa se’ macquul ma’ahan waxaa lajoogaa waqtiga uu jaamacadda aadi lahaa, halkaa ayuu kaga samray hurdadii heeysay una dhaqaaqay dhanka suuliga.   Waxyar kadib waa diyaar waxuu iska xirtay dharkii ugu sareeyay boorsadiisa oo sariirtiisa hareer taal ma’ahan nin daneeynaya labis isku toosan ( is match gareeynaya) sida dhalinta isku da’da yihiin eey ubadanyihiin waqtigaan, saacada ayuu eegay wa...