Skip to main content

Posts

Showing posts from April, 2023

Dareen araddan ( qeeybta labaad 2aad)

 Q eeybta labaad 2aad Salmaan iyo mahdi   waxeey durba weey soo istaageen mahdi ayaa salaamay samiira oo dhinaciisa soo xigta Mahdi: haye samiira   maanta   banaanka hala indha cadeeyo miyaa layiri? Samiira: haa , inkastoo in lana fasaxo raja kalahaa intaanad adigu imaan. Qosol aan kor looqaadin ayaa lawada qoslay salmaan isagu ma qoslin Mahdi: kkk samira maxaa aniga gaar igadhigay? Hadda ayuuba macalinku xiisadda noo fasaxaa waxyar sug adigu. Samiira: kkk waa kaftamoosaahe iska daa in naloo fasaxee yaan jaamcadda nagala saarin aamus bal. Mahdi: kkk manta waad ugu socotaahe atariisho gab iga dheh noh , mase xarash aan ogeeyn ii heeysaa? Daacad ayaa kasoo dhexgalay intaaneey samiira ujaabin waxuuna yiri   Mahdi adi caantahay ma ogidoo markasta waa soo daahdaa macalinka waa kuudhaarsanyahay. Mahdi: haye daacad adina samiira kufeker tahay yaah , hadii eey sidaa tahay adi maxaa kusoo daahiyay ? Daacad: maxaa, ani runta kuusheegay maa diidoowheeys...

Dareen arradan (Qeeybta koobaad {1aad})

 Qeeybta koobaad (1aad) Waa subax hore waxuu dultaaganyahay miis eey buugaag badan oogadiisa qariyeen waxeey ubadanyihiin   cilmiga maadiga iyo Diiniga, 95% waa kuwa maadiga ah.   Qeeyb yar kamida miiska waxaa saran buugaag kakooban sheeko faneed, taariikh iyo labo(2) buug dheeri gelin ah, dhamaantood wuu akhriyay marka laga reebo kuwa dhiiragelinta ah sababtuna waa inuusan sidaa udaneeyn. Daakhada ayuu eegay waxaa soo gelaya ileeyska qoraxda waxyar kadibna falaareheeda ayaaba soo gaaray , daaqada ayuu inyar laabay   qalbiga ayuu iska yiri armada inyar hurdada kunoqotaa se’ macquul ma’ahan waxaa lajoogaa waqtiga uu jaamacadda aadi lahaa, halkaa ayuu kaga samray hurdadii heeysay una dhaqaaqay dhanka suuliga.   Waxyar kadib waa diyaar waxuu iska xirtay dharkii ugu sareeyay boorsadiisa oo sariirtiisa hareer taal ma’ahan nin daneeynaya labis isku toosan ( is match gareeynaya) sida dhalinta isku da’da yihiin eey ubadanyihiin waqtigaan, saacada ayuu eegay wa...